Axad, December, 29, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay Qaraxii maalintii shalay ka dhacay isgooyska Ex-Kaantarool Afgooye.
Madaxweynaha
ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadan oo xaaladdooda caafimaad ay aad u culus tahay, waxa uuna eheladooda u xaqiijiyey in dowladdu ay ku bixin doonto dadaal kasta sidii ay u heli lahaayeen daryeel caafimaad oo
dhammaystiran.
Madaxweyne
Farmaajo ayaa uga taciseeyey labada muwaadin ee u dhashay dalka Turkiga
ee ku shahiiday qaraxa Ex-Kaantarool iyagoo ku garabsiinayey dowladda
iyo shacabka Soomaaliyeed dib u dhiska dalkooda, wuxuuna Alle uga baryay
inuu naxariistiisa janno ku abaal mariyo.
Sidoo
kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka dalka
aan walaalaha nahay ee Turkiga gurmadkan caafimaad ee ay u soo direen
shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan muwaadiniinteenna dhaawacyada ay kasoo
gaareen qarixii wuxuushnimada ahaa ee ay soo abaabuleen aragixisada.
Madaxweyne
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in
ay sii xoojiyaan gurmadka loo fidanayo qoysaska ay dhibaateeyeen
argagixisadu oo ay ka burburiyeen guryahooda iyo hantidooda, ayna
laayeen ubadkooda iyo waalidiintooda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]