4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2019
Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo iska caabin kala kulmay gobolka Sanaag
 

Axad, December, 29, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta iska caabin lagala hortagay xilli uu ku wajahnaa degmada Badhan ee bariga gobolka Sanaag. 

Iska caabintaan ayaa dhexmartay ciidanka ilaalada gudodomiyaha iyo shacab ka caraysanaa imaatinkiisa gobolka Sanaag, waxaana ku dhaawacmay taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka bilayska Puntland, askar iyo dad shacab ah oo u badan arday.

Guddoomiyaha barlamanka Puntland ayaa falkaan ku eedeeyay inay soo abaabuleen shaqsiyaad ku howlan inay gobolka Sanaag u sameeyaan maamul ka madax bannaan Puntland.

Cabdirashiid waxaa uu sheegay gobolka Sanaag inaanu marnaba marti u ahaandoonin dad doonaya inay hoos geeyaan Hargeysa ama Burco, waa sida uu hadalka u dhigay.

Maalmo kahor ayay ahayd markii saraakiil ciidan oo kasoo jeeda gobolkaas oo sheegtay maamul lagu magacaabo Maakhir State ay ka digeen in Puntland faro gelin ku sameyso Sanaag.

Waxay guddoomiyaha barlmaanka ku tilmaameen inaanu ahayn nin matali kara gobolka Sanaag oo xaqdaro ku fariistay kursigii laga kiciyay guddoomiyihii ka horeeyay ee mooshinka lagu riday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected].