4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2019
Dad qaba dhaawacyo culus oo loo qaaday dalka Turkiga


Axad, December, 29, 2019 (HOL)-Diyaarad nooca militariga ah ayaa goor dhaw ka duushay magaalada Muqdisho taa lagu qaaday ku dhawaad 15 ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Ex Koontarool Afgooye.

Dadka dhaawacooda laga qaaday magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen dhaawacyadii ugu cuslaa oo ay adkeyd in dalka gudihiisa wax looga qabto,

Safiirka Turkiga iyo mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ku sii sagootiyay dhaawacyadan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo saacadihii ugu danbeeyay mashquul ku ahaa u diyaargaroowga qaadista dhaawacyadan.

Ma'aha markii ugu horreysay oo dowladda Turkiga sidan oo kale ugu soo gurmato dadka ku wax-yeelooba Qaraxyada iyo weerarrada Ismiidaaminta ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana jira tiro badan oo bukaanno ah oo wali ku sii jira Isbitaalada dalka Turkiga kuwaa oo ku wax-yeeloobay Qaraxyo horay uga dhacay magaalada Muqdisho. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]