4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2019
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhaawacyo la filayo in loo qaado dalka Turkiga

 

Axad, December, 29, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay qabanqabaada dhaawacyo saacadaha soo socda lagu wado in loo qaado dalka Turkiga kuwaa oo ka mid ahaa dadkii ay shalay wax yeelladu ka soo gaartay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa warbaahinta u sheegay in dowladdu waddo dadaallo la xiriira sidii gurmadka caafimaad loogu sameyn lahaa dadka qaban dhaawacyada culus oo loo qaadayo dalka Turkiga si loogu soo daweeyo.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in dhaawacyada dalka aan waxba looga qaban karin loo  qaadayo Turkiga, isagoo xusay in dowladda Turkiga ay u soo dirtay  diyaarad caafimaad oo qalabkeeda u dhameystiran yahay, si kuwa  dhaawacyada qaba loogu qaado.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in qorshuhu yahay saacadaha soo socda in la qaado dhowr iyo Tobon ruux oo ay arkeen in ay yihiin dadka qaba dhaawacyada ugu culus.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii u horeeyay ee ka soo jawaaba dhibaatadii shalay ka dhacday Muqdisho, kaddib markii dad fara badan ku dhinteen qarax ismiidaamin ah, halka dad aad u fara badan oo kale ku dhaawacmeen, waxaana diyaarad siday daawooyin iyo dhaqaatiir saaka ka soo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]