4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2019
Jaamacadda Diridhabe oo si kumeel gaar ah albaabada loogu xiray

Axad, December, 29, 2019 (HOL)-Waxaa habeenkii xalay ahaa albaabada loo laabay si ku meel gaar ah Jaamacadda Diridhabe, kaddib markii ay soo noqnoqotay isku dhaca ardayda Jaamacadda.

Sidoo kale waxaa ardayda dhigata Jaamacadda ee gudaha ku xaroonaysay loo sheegay xalay inay dawladdu sugi karin amnigooda sidaas darteedna ay iskaga baxaan Jaamacadda.

Ardayda ayaa intaa kaddib iskaga soo baxay Jaamacadda iyagoo intooda badana ay maalinimadii shalayba ay iskaga carareen Jaamacadda, Sidoo kale ardayda Soomaalida ayaa intii gudaha ku xaroon jiray iyaguna isaga soo baxay Jaamacadda, iyagoo asxaabtooda iyo cidday magaalada ka yaqaanaan u tagay.

 Jaamacadda Diridhabe ayaa muddooyinkii dambe ku jirtay xaalad qasan oo aan la isku aamini karin kaddib dilal dhawr jeer ka dhacay gudaha Jaamacadda.


Hiiraan Online