3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2019
Diyaarad sidda Dhaqaatiir iyo Daawo oo ay soo dirtay Dowladda Turkiga oo Muqdisho soo gaartay

 

Axad, December, 29, 2019 (HOL)-Dowladda Turkiga oo ka jawaabaysa dhibaatadii ka dhalaya qarixii argagixiso ee shalay ayaa si deg deg ah ugu soo gurmatay dadkii Soomaaliyeed oo dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxaasi bahalnimo.

Diyaarada sidda dhaqaatiir iyo daawo oo dowladda Turkiga ay ugu  deeqday dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen ayaa aroortii hore ee saaka ka  soo degatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo  mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wafdigaasi dhaqaatiirta ah, iyagoona  guddoomay daawooyinkii dowladda Turkigu ay ugu talagashey dadkaasi dhaawacyada qaba.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahad celisay Dowladda Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka  jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah  xiliyada ay musiibooyinku ay geystaan kooxaha argagixisada ee Alshabaab.

Qarixii shalay ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ayaa  sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dowladda  Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dadka dhaawacyada culus qaba loogu  qaadi lahaa caafimaad dibadda ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 













Click here
12/29/2019 7:43 AM EST
Axad, December, 29, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sagootiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle dhaawacyada 16 kamid ah dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeelloobay Qaraxii maalintii shalay ka dhacay isgooyska Ex-Kaantarool Afgooye.

12/29/2019 7:24 AM EST
Axad, December, 29, 2019 (HOL)- Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta iska caabin lagala hortagay xilli uu ku wajahnaa degmada Badhan ee bariga gobolka Sanaag.

12/29/2019 5:52 AM EST
Axad, December, 29, 2019 (HOL)-Diyaarad nooca militariga ah ayaa goor dhaw ka duushay magaalada Muqdisho taa lagu qaaday ku dhawaad 15 ruux oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Ex Koontarool Afgooye

12/29/2019 3:46 AM EST
Axad, December, 29, 2019 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay qabanqabaada dhaawacyo saacadaha soo socda lagu wado in loo qaado dalka Turkiga kuwaa oo ka mid ahaa dadkii ay shalay wax yeelladu ka soo gaartay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

12/29/2019 12:57 AM EST
Axad, December, 29, 2019 (HOL)-Waxaa habeenkii xalay ahaa albaabada loo laabay si ku meel gaar ah Jaamacadda Diridhabe, kaddib markii ay soo noqnoqotay isku dhaca ardayda Jaamacadda.

12/29/2019 12:16 AM EST
Axad,December, 29, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu halkaa dagaal culus ku dhaxmaray xooggaga is aabulay ee la baxay [Macwiisleyda] iyo dagaalyahannada Ururka Al-shabaab.