4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2019
Dagaal culus oo xoogagga Macwiisleyda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Hiiraan

 

Axad,December, 29, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya deegaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu halkaa dagaal culus ku dhaxmaray xoogagga is aabulay ee la baxay [Macwiisleyda] iyo dagaalyahannada Ururka Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii xoogagga deegaanka ee weerar culus ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-shabaab waxaana halkaa ka bilaawday dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac hasse ahaatee lama sheegin tiro rasmi ah oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay dagaalka.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jira xoogag hubeysan oo aan aheyn ciidamada dowladda kuwaa oo dagaal kula jira Ururka Al-shabaab islamarkaana kala wareegay deegaanno dhowr ah oo ay horay gacanta ugu hayeen. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]