4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2019
Shirweynihii dhallinyaradda Somaliland oo hogaan cusub lagu doortay


Sabti, December 28, 2019 (HOL )– Shirweynihii dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo laba cisho uga socday magaaladda Hargeysa ayaa mar dhowayd doortay hogaan cusub oo bedeli doonna hogaankii hore usii joogay .

Shirweynaha dhalinyarada oo saddexdii sannaba mar qabsooma ayaa maanta lagu doortay hogaanka dalladda oo noqonaya 19 qof oo ka kala yimid goboladda Somaliland iyo gudoomiyaha cusub ee dalladdu yeelan doonto.

Gudoomiyaha cusub Cabdicasiis Maxamed Jaaamac oo ay la tartamayeen laba xubnood oo kale ayaa labadii xubnood ee la tartamayey iska tanaasuleen ka dib markii ay ogaadeen in laga codad badan yahay, waxaana ugu dambayn si aqbaliyad ah loo doortay gudoomiyaha cusub.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Boos Mire Maxamed ayaa soo xidhay shirweynaha 9 aad Ee Ururada Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO, waxaaanu u hambalyeeyey gudoomiyaha cusub iyo sida ay iskugu tanaasuleen ee aanu khilaaf uga dhallan.

Sidoo kale, gudoomiyaha cusub iyo gudoomiyihii hore iyo masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay dallada dhalinyarada ee SONYO ayaa dhamaantooda ka hadlay hogaanka cusub ee maanta la doortay, kuwaas oo ugu duceeyey inuu ilaahay u fududeeyo xilkaasi culus ee loo doortay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.