4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2019
Qalalaase maanta ka jiray gudaha Jaamacadda Diridhabe
 

Sabti, December, 28, 2019 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in maanta Jaamacadda Diridhabe uu ka jiray qalalaase u dhaxeeyay ardayda Jaamacadda ee kasoo kala jeeda qawmiyadda Axmaarada iyo Oromada.

Qalalaasahan ayaa dhacay xilli ardaydu ay ku jireen wakhtigii qadada isla markaana lagu jiray goobta ay ardaydu kuwada qadeeyaan oo ku taala gudaha Jaamacadda.

Arrintan ayaa ka dhalatay kaddib markii mid kamid ah ardayda Jaamacadda laga soo tuuray dabaqa 4aad ee Jaamacadda halkaasna uu ku geeryooday, sidoo kalena mid kale dhagax lagu dilay sida qaar kamid ah ardayda Jaamacaddu ay Hiiraan Online ugu sheegeen, intaa kaddib Booliska Fadaraalka iyo Ciidanka qaranka ayaa goobta iskugu yimid si ay u dajiyaan xaaladdan kacsan.

Waa ardaygii labaad ee fooq laga soo tuuro marka laga reebo ka dhagaxa lagu dilay tan iyo intii ay bilaabmeen isku dhacyada ardayda Jaamacaddan Diridhabe, tan iyo wakhtigaasna waxaa soo kordhaysay cabsi badan iyo kalsooni darro soo kala dhex gashay ardayda Jaamacadda gaar ahaan kuwa kasoo kala jeeda Axmaarada iyo Oromada oo ay dhibaatadu u dhaxayso.

Ardayda wax ka barata Jaamacadda Diridhabe ayaa aad uga xumaaday waxa ka socda Jaamacadda, iyagoo ka niyad jabay sidii ay kusii socon lahayd waxbarashadu, maadaama ay soo kordhayaan dhibaatooyinka iyo amni xumada gudaha Jaamacadda.

Waxbarashada Jaamacaddan Diridhabe ayaan socon muddo ku dhaw 2 bilood, marka laga reebo 6 arday oo heerka Masterka dhigta kuwaas oo iyagu hadba sida ay ugu suurta gasho waxbarashadooda u wata.

Hiiraan Online