Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyadeeyay Qarax dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Muqdisho
Sabti, Demcember, 28, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay la beegsadeen Ex-kaantorool Afgooye.
"Innaa
Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo
muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna.
Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana
Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca."
Madaxweynaha
ayaa tilmaamay in goobta ay la beegsadeen argagixisadu qaraxan
bahalnimada ah ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan
shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u banneysteen dhiigga muwaadin kasta,
iyadoo aan kala sooc lahayn.
Argagixisadu
waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay,
hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba
galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda.
"Cadawgan
u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood
hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin,
isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa
burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin
dhagartooda."
Madaxweyne
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in awooddeeda oo
idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa
dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka
Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaateeyeen cadowgu.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]