4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2019
Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo gaaray gobolka Sanaag
 

Sabti, December, 28, 2019 (HOL)  Gudoomiyaha cusub ee barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta gaaray gobolka Sanaag, gobolkaas oo dhawaan lagaga mudaharaaday maamulka Puntland.

Socdaalkiisa ayaa wuxuu ku saabsan yahay sidii uu usoo celin lahaa kalsoonii Puntland ay ku lahayd shacabka gobolkaas kadib markii dhawaan halkaasi uu ka dhacay mudaharaadyo loogasoo horjeeday xil ka qaadistii guddoomyihii hore.

Guddoomiye Cabdirashiid ayaa socdaalkiisa ka bilaabay degmada Dhahar, isagoo halkaas kala kulmay soo dhowayn, inkastoo degaanada qaarkood laga muujiyay diidmo.

Socdaalkiisa ayaa kusoo beegmaya, xilli saraakiil ciidan oo kasoo jeeda gobolkaas ay ka digeen waxay ugu yeereen faro gelin ay Puntland ku hayso kheyraadka degaankooda.

Abdiweli M.Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]