4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2019
Wararkii ugu danbeeyay Qarax gilgilay inta badan magaalada Muqdisho oo ka dhacay Isgoyska Ex Kootarool Afgooye

 

Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee saakay lagu qaaday Barkootarool oo ay ciidamada waaxda canshuuraha ku lahaayeen Isgoyska Ex Kootarool Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qarxan uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo baaxad leh inkastoo tiro rasmi ah la ogeyn, haddana goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waqtigaa aheyd mid aad u mashquul ah oo ay ku sugnaayeen gaadiidka dadweynaha oo qaarkood goobta la weerarray u tagay in ay ka goostaan warqado sharci ah oo ay jidadka ku maraan.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa ku howlan daabulida dhaawacyadda waxaana Qaraxa uu ahaa mid xooggan oo xataa ay dhibaato soo gaartay dad Shacab ah oo ku sugnaa guryo ku dhow Isgoyska.

Dhibaatada ugu badan ayaa la sheegay in ay soo gaartay gaadiidka Mooto Bajaajka oo subax walba halkaa u tagay in ay ka goostaan warqadaha sharciga ah ee waddo marista, sidoo kale waxaa uu dab weyn qabsaday Kaalin Shidaal oo goobta ka agdhaw.

Khasaaraha kuma eka goobta uu qaraxu ka dhacay oo kaliya ee xitaa waxaa uu burbur soo gaaray guryaha dadka rayidka ah ee ka agdhaw halka goobta la weeraray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]