3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta dood ka yeelana Sharciga Doorashooyinka

 

Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Xildhibaannada Golaha Shacab-ka ayaa maanta oo Sabti ah kulankoodii caadiga ah isugu uga dooddi doona sharciga Doorashooyinka Qaran ee dhawaan loo gudbiyay.

Xildhibaannada ayaa sharcigan siweyn ugu kala aragti-duwan sharcigan oo qaarkood ay ku tilmaameen in uu yahay mid hal dhinac oo kale u daneynaya, laakiin aan ku qotomin rabitaa shacabka ee ah awood doorasho dib gacantooda loogu celiyo.

Balse waxaa dhinaca kale jira xildhibaanno iyaguna difaaca sharcigan oo u arka in uu yahay mid ay tahay sidiisa loo ansixiyo.

Madaxda ugu sarreysa dalka ayaa iyagu dhankoda u muuqda kuwo kalsooni badan ku qaba sharcigan hor yaala Baarlamaanka iyaga oo ugu baaqay xildhibaannada in waajibkooda ka gutaan kaddibna la galiyo codka kalsoonida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/28/2019 3:28 PM EST
Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Iyadoo maanta maagaalada Muqdisho uu ka dhacay Qarax galaaftay nolasha ku dhawaad 100 ruux ayaa loogu baaqay dowladda Soomaaliya in ay la timaado qorshe Amni oo wax lagaga qabanayo qaraxyada noocan oo kale ah.

12/28/2019 12:11 PM EST
Sabti, December 28, 2019 (HOL )– Shirweynihii dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo laba cisho uga socday magaaladda Hargeysa ayaa mar dhowayd doortay hogaan cusub oo bedeli doonna hogaankii hore usii joogay .

12/28/2019 11:38 AM EST
Sabti, December, 28, 2019 (HOL)-Wararka ka imaanaya magaalada Diridhabe ayaa sheegaya in maanta Jaamacadda Diridhabe uu ka jiray qalalaase u dhaxeeyay ardayda Jaamacadda ee kasoo kala jeeda qawmiyadda Axmaarada iyo Oromada.

12/28/2019 8:01 AM EST
Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhowayd ka hadlay qaraxii Muqdisho ka dhacay ee lagu xasuuqay ummad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

12/28/2019 7:12 AM EST
Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa goor dhowayd ansixiyay Sharciga cusub ee doorashooyinka Qaranka heer Federaal ee Soomaaliya, kadib markii ay maanta dood culus ka yeesheen.

12/28/2019 7:10 AM EST
Sabti,Demcember, 28, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay la beegsadeen Ex-kaantorool Afgooye.

12/28/2019 5:39 AM EST
Sabti, December, 28, 2019 (HOL)-Waxaa saacad walba isa soo taraya warka ku saabsan Khasaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu sababay Qaraxii subaxnimadii hore ee saakay lagu bartilmaameedsaday Isgoyska mashquulka badan ee Ex-Koontarool Afgooye magaalada Muqdisho.

12/28/2019 5:08 AM EST
Sabti, December, 28, 2019 (HOL) Gudoomiyaha cusub ee barlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta gaaray gobolka Sanaag, gobolkaas oo dhawaan lagaga mudaharaaday maamulka Puntland.

12/28/2019 2:40 AM EST
Sabti, December, 28, 2019 (HOL)-Ku dhawaad 30 ruux oo badnaa dad shacab ah ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen Weerar Ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee saakay lagu qaaday Barkootarool oo canshuurta lagu qaado Isgoyska Ex Kootarool Afgooye

12/28/2019 12:45 AM EST
Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ismiidaamin ah oo subaxnimadii hore ee saakay lagu qaaday Barkootarool oo ay ciidamada waaxda canshuuraha ku lahaayeen Isgoyska Ex Kootarool Afgooye.

12/28/2019 12:15 AM EST
Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Waxaa sii xoogeysanaya doodda iyo ku kala aragdi-duwanaashaha sharciga Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan loo gudbiyay xildhibaannada Golaha Shacabka oo lagu waddo in ay doodd ka yeeshaan.

12/28/2019 12:11 AM EST
Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay goor dhaw lagu weerarray Barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.