Madasha Xisbiyada Qaran oo ka digay qoddob ku jira sharciga Doorashooyinka ee loo gudbiyay Baarlamaanka
Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Waxaa sii xoogeysanaya
doodda iyo ku kala aragdi-duwanaashaha sharciga Doorashooyinka Qaranka ee dhawaan loo gudbiyay xildhibaannada
Golaha Shacabka oo lagu waddo in ay doodd ka yeeshaan.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka diggay qoddob ka mid ah
qoraalka sharciga doorashooyinka ee loo gudbiyay Golaha Shacabka kaasoo dhigay
muddo kororsi aan xadlaheyn haddii ay doorashadu ku dhici weydo waqtigii loogu
tala-galay.
Qoddobakan 53aad ayaa sheegaya in doorashada dib loo dhiggi
karo waqti aan la cayimin haddii ay dalka ka dhacaan xaalado halis ah sidas ah,
sida aafooyin, abaaro, arrimo farsamo, kaasoo ogolanaya in dib loo dhigo
doorashada.
“Madasha Xisbiyada Qaran shir ay ka yeesheen
galabtay sharciga doorashooyinka ee lagu wado In berito golaha shacabku
aqriskii 3-aad la horkeeno ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey si gaar ah
qodobka 53-aad ee tilmaamaya muddo kororsi aan xad laheyn, ayadoo doodii
xildhibaanada ee sharcigu marka ay socotay waxa ay ka yiraahdeen qodobkaas aan
waxba laga tixgelin, arrintaasina ay keenayso in dalka loo horseedayo qalalaase
siyaasadeed oo khatar gelin kara nidaamka dawladnimada dalka ee xukunka loogu
kala wareegi jirey xilliyadii la soo dhaafay si nabad ah” ayaa lagu sheegay War
ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran.
Hadal heynta ugu badan ayaa ah in ay dhici karto
doorasho qof iyo cod ah ama si kale loo dhiggay waqtigii loogu tala-galay,
waxana jira shaki weyn oo laga qabo in ay jiri doonto muddo korarsi loo sameeyo
Baarlamaanka iyo Xukuumadda hadda jirta oo ah walaac ugu badan oo ay qabaan
siyaasiyiinta iyo Xisbiyada sida weyn isha ugu haya sida uu Baarlamaanku ula
macaamilo sharciga hadda hor yaala.
“Ma dhici karto in golayaasha barlamaanku ay horseed u noqdaan In dalku galo
qalalaase iyo Xasilooni-darro siyaasadeed ayadoo Madashu ay soo jeedisay in
muddo kororsi Haba yaraatee sharciga laga saaro” ayeey sidoo kale sheegeen
hoggaanka madasha Xisbiyada Qaran.
Lama oga sida ay uga jawaabi doonaan xildhibaannada Golaha Shacabka oo
maalmaha soo socda lagu wado in uu go’aan ka gaaro sharciga doorashooyinka
Qaranka ee hor yaala.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]