4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2019
Weerar Ismiidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye

 

Sabti, December, 28, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay goor dhaw lagu weerarray Barkootarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan hay’addaha amaanka dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu bartilmaameedsaday waaxda maaliyada ama canshuuraha ee Koontaroolka laga soo galo magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa siweyn looga maqlay jugtiisa qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana goobta hadda gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah, lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]