3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2019
Dad ku dhintay diyaarad ku dhacday dalka Kazakhstan

 

Jimco, December, 27, 2019 (HOL)-Diyaarad ay saarnaayeen in ka badan 90 qof ayaa waxyar un kadib markii ay kacday ku dhacday dalka Kazakhstan, ayada oo ay ku dhinteen 12 qof, halka in ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

Guddiga Duulista Rayidka ah ee Kazakhstan ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaaradda Bek Air ay ku dhacday xeendaab shub ah iyo dhisme ka kooban laba dabaq, kadib markii ay ka kacday garoonka Almaty International Airport.

Mas’uuliyiin degaanka ayaa markii hore dhimashada ku sheegay 15 qof, hase yeeshee wasaaradda arrimaha gudaha ayaa beddeshay tiradaas, ayada oo aan bixin wax sharaxaad ah.

Diyaaradda, oo nooceedu ahaa Fokker-100, ayaa ku wajahneyd magaalada caasimadda ah ee Nur-Sultan, oo markii hore la oran jiray Astana.

Mas’uuliyiiinta ayaa sheegay in dhammaan duulimaadyada shirkadda Bek  Air iyo diyaaradaha noocoodu yahay Fokker-100 la hakiyey, inta uu socdo  baaritaanka diyaaradda dhacday, weli lama sheegin wax suurta-gal ah oo sababay shilkan diyaaradeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]



 
 













Click here
12/27/2019 8:09 AM EST
Jimco, December, 27, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa khamiistii ballan-qaaday inuu xoojin doono wada-shaqeynta kala dhaxeysa Itoobiya, isaga oo ku guda jiray maalintii ugu dambeysay booqasho laba maalmood ah, oo loo arkay inay timid xilli hanaankii nabadda labada dal uu gaabiyey.

12/27/2019 4:01 AM EST
Jimce, December, 27, 2019 (HOL)- Afar dhalinyaro ah oo saddex kamid ah dumar yihiin ayaa ku geeriyooday shil gaari oo xalay saqdii dhexe ka dhacay duleedka bari ee magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

12/27/2019 12:56 AM EST
Jimco, December 27, 2019 (HOL )–Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Ramaax ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland.

12/27/2019 12:08 AM EST
Jimco, December, 27, 2019 (HOL)-Beeraleyda ku dhaqan labada gobol Hiiraan ayaa Shabeellaha Dhexe ayaa la tacaalaya sidii ay uga hortagi lahaayeen Ayax duulaan ku ah tacabka Beeraha kuwaa oo marka ay ku dagaan ka idleysanaya wixii dalag ah ee ku yaala.

12/27/2019 12:04 AM EST
Jimco, December, 27, 2019 (HOL)- Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug waxaa ka soconaya diyaar-garoowga soo dhaweynta Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo lagu waddo in uu gaaro saacadaha soo socda.