4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2019
Afwerki oo ballan-qaaday inuu dib u xoojiyo xiriirka Ethiopia

 

Jimco, December, 27, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa khamiistii ballan-qaaday inuu xoojin doono wada-shaqeynta kala dhaxeysa Itoobiya, isaga oo ku guda jiray maalintii ugu dambeysay booqasho laba maalmood ah, oo loo arkay inay timid xilli hanaankii nabadda labada dal uu gaabiyey.

Afwerki ayaa arbacadii Addis-Ababa ku tagay booqashadii ugu horreysay tan iyo markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu abaal-marinta nabadda ee Nobel Peace Prize ku helay billaabidda heshiiska labada dal.

Eritrea iyo Itoobiya ayaa waxaa dhex-maray dagaal xuduudda ka dhacay, 1998-2000, kaasi oo ay ku geeriyoodeen qiyaastii 80,000 oo qof.

Afwerki ayaa ka mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee la siiyey isaga iyo wafdigiisa.

Waxa uu ballan-qaaday inuu u shaqeyn doono “si xooggan si dib loogu helo fursadihii ka lumay saddex jiil oo labada dal ah, loona xoojiyo bogga cusub ee wada-shaqeynta labada dal” sida uu qoraal uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay wasiirka warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.

Isaias iyo Abiy ayaa sidoo kale khamiistii dhagax dhigay dhismaha cusub ee safaaradda Eritrea ee Addis-Ababa.

Kadib markii labada hoggaamiye ay markii ugu horeysay ku kulmeen Asmara sanadii tagtay, ayaa waxay dib u fureen safaaradahooda, duulimaadyadii labada dal ayaa dib loo billaabay, waxaana xigay kulamo kale oo dhowr ah.

Hase yeeshee, niyad wanaagii ka dhashay ficilladaas ayaa kadib gaabiyey, waxaana muwaadiniinta labada dal ay ka ashtakoodeen inay weli sugayaan is-beddel macno leh.

Intii ay socotay xafaladdii uu Abiy ku guddoomay billada Nobel Peace, guddoomiyaha guddigaas Berit Reiss-Andersen ayaa sheegtay in hannaankii nabadda labada dal “uu u muuqdo mid hakaday” ayada oo weli xuduudda ay xiran tahay, horumar yarna laga sameeyey dadaallada dib loogu calaamadeynayo.

Booqashadii ugu dambeysay ee Afwerki ayaa loo arkaa mid dib usoo nooleyn doonta dadaallada nabadeed ee labada dal. Afwerki ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Asmara.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]