4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2019
Xoghayihii arrimaha gudaha ee xisbiga UCID oo xabsiga loo taxaabay

 

Jimco, December 27,  2019 (HOL )–Xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Ramaax ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii lagu eedeeyey in uu aflagaadeeyey gudoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland.

Ramaax oo inta aan la xidhin warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baryahanba uu hanjabaado iyo cabsi galin lagu hayey, islamarkaana aanu xadhiga u arkeen wax weyn.

Taliyaha dambi baadhista ciidanka Booliska Faysal Xiis ayaa isna cadeeyey xadhiga Ramaax inuu jiro,isla markaana waxa uu xusay inuu ka soo dacwooday gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo uu u gaystay ceebeen iyo aflagaadeen.

“Maxamuud Cali Ramaax waxa lagu eedeeyey inuu aflagaadeen iyo ceebeen u gaystay gudoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, waxanu ku yidhi gudoomiye Baashe waxa uu xidhiidh la leeyahay dad cadow ku ah Somaliland, gudoomiyaha Baarlamaankuna taas ayuu ka soo dacwooday isagoo shakhsi ah oo soo maray sifihii sharciga ahaa”ayuu yidhi Faysal Xiis.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.