4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2019
Ra’iisal Wasaare Kheyre oo maanta ku sii jeeda degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta dowlad gobolleedka Galmudug

 

Jimco, December, 27, 2019 (HOL)- Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug waxaa ka soconaya diyaar-garoowga soo dhaweynta Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo lagu waddo in uu gaaro saacadaha soo socda.

Maalintii shalay waxaa gaaray degmada Dhuusa-Mareeb wafdi hordhac u ah Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ay ka mid ahaayeen ciidamo gaar ah oo ka tirsan ilaaladiisa ka tirsan.

Kheyre ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca, guddiga farsamada maamul u sameynta Galmudug iyo odayaasha saxiixayaasha ah Xildhibaannada ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub oo dhawaan la filayo in lagu dhawaaqo.

Labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa jirtay cabasho ay muujinayeen Beelaha qaar ee Galmudug oo ka hor yimid habka loo wadaagay 20ka xildhibaan ee Ahlu Sunna uga mid noqonaya Baarlamaanka cusub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]