4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2019
Madaxweyne Deni oo sheegay inuu iska dhamaaday khilaafkii dowladda federalka iyo Jubbaland
 

Khamiis, December, 26, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Siicid Cabdulaahi Deni oo caawa ka qeyb galayay kulan su'aalo lagu weydiinayay, ayaa sheegay inuu ka baaqday safar uu dhawaan ku tegi lahaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu halkaas u tegi lahaa dhameynta khilaafka Jubbaland iyo dowladda federalka, hase ahaatee wuxuu tilmaamay inuu khilaafkaas iska dhamaaday.

Deni oo muddo ku dhow hal sano haya talada Puntland, weli ma uusan tegin magaalada Muqdisho, waxaana uu taas ku micneeyay inaanu weli imaan culays uu Muqdisho u aado.

Waxaa uu tilmaamay inay wada shaqayn fiican leeyihin hay'addaha dowladda federalka iyo kuwa Puntland ayna Puntland kaalin wanaagsan ka cayaartay dayn cafinta Soomaaliya.

Wuxuu madaxweynuhu caddeeyay in Puntland ay qoondadeeda ka hesho deeqaha caalamiga ah ee lagu bixiyo Soomaaliyeed uuna rajeynayo in sanadaha soo socda ay sii kordhaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]