4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2019
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee nawaaxiga Washinton DC, oo sagootiyay qunsulka Soomaaliya ee Canada


Khamiis, December, 26, 2019 (HOL)- Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool agagaarka magaalada Washinton DC, ayaa xaflad soo dhowayn iyo sagootin iskugu jirtay u qabtay mudane Dayib Sheikh Axmed oo loo magacaabay Qunsulka Soomaaliya ee dalka Kanada.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale safiir u magacowday dalka Canada, hase yeeshee isaga iyo Qunsulka ayaa weli halkaas tegin, balse dhawaan ayay shaqadooda ka bilaabandoontaa magaalada Ottawa ee dalka Kanada.

Ka qeyb galayaasha xafladda ayaa ku ammaanay Dayib Sheikh Axmed in uu yahay nin u qalma masuuliyadaas islamarkaana kasoo bixi kara waajibaadka dowladda Soomaaliya u igmatay.

Dayib ayaa ahaa nin muddo dheer ku noolaa deegaanka Washington DC gaar ahaan gobolka Maryland, waxaana lagu xasuustaa inuu iskusoo sharaxay loona doortay maamul gboleed laga magacaabo MAREEG STATE, laakin suuragal ma noqon in uu taabo galo maamul goboleedkaas.
 
 
 
 
 
 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]