4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2019
Madaxweynaha Puntland oo ka digay in dad reer Puntland ah masiirkooda la geeyo Xamar
 

Khamiis, December, 26, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ka digay in maqaarsaar laga dhigo dad degaan ahaan iyo dad ahaanba katirsan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu waayahaan dambe maqlayay warar ku saabsan in gobolo iyo degaano katirsan Puntland matalaadooda la geynayo Muqdisho oo halkaas lagusoo dooranayo wakiilada u matalaya barlamaanka.

" Waxaan leeyahay Puntland waa Puntland, degaankeeda iyo dadkeedaba waala yaqaaan, maqaar saar ma noqon karaan," ayuu yidhi madaxweyne Deni oo caawo su'aalo lagu weydiinayo Garowe.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay Puntland inay tixgalinayso dadka degaanadooda daruufahooda siyaasadeed aan u tagi karin, kuwaas oo Muqdisho ku doorta wakiiladooda.

Hadalka madaxweyne Deni, ayaa kusoo beegmaya, iyadoo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolada Sool iyo Cayn ay dhawaan Muqdisho ku shireen islamarkaana ay sheegeen in xildhibaanada goboladaas ka imaanaya lagusoo xulidoono magaalada Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]