4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2019
Mudaharaad ka dhan ah Puntland oo ka dhacay gobolka Sanaag


Khamiis, December, 26, 2019 (HOL)-Mudaharaad loogasoo horjeedo Puntland, ayaa maanta ka dhacay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag, halkaasi oo uu kasoo jeedo guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo-daareed, oo mooshin xilka looga qaaday.

Dadka mudaharaadayay ayaa kasoo horjeeday in ay degaankaas tagaan cid ka socota maamulka Puntland, iyadoo halkaas lagu wado inuu booqasho ku tago guddoomiyaha cusub ee barlamaanka Puntland, inkastoo aan warkaasi si dhab ah loo hubin.

Ma jirto wax dhibaato ah oo ka dhashay mudaharaadka, inkastoo waddooyinka magaalada lagu gubay taayeero, laguna gooyay dhagaxyo.

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland ayaa Xingalool waxay u ahayd xarun tan iyo markii xilka laga tuuray, waxaana uu halkaasi ka waday shirar uu ku doonayay in lagu taageero mowqifkiisa ku aadan in ay tashadaan dadka kasoo jeeda Sool iyo Sanaag.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]