4/30/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2019
Puntland oo ku eedeysay dowladda federalka inay weli dagaal ku hayso horumarka waxbarashada Puntland
 

Khamiis, December, 26, 2019 (HOL)- Dowlad goboleedka Puntland ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in dowladda federalku weli waddo dagaal ay ku wiiqayso hannaanka waxbarashada Puntland.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland, Jaamac Deperani, ayaa sidaasi ku sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay kulanka khamiisle ah ee golaha wasiiradda Puntland.

Afhayeenka Puntland ayaa tilmaamay dowladda federalku inay ardayda Puntland u diiday shahaadadii heer federal ee ay xaqa u lahaayeen ayna arrintaas u xayiran yihiin arday badan oo ku sugan Garowe iyo Muqdisho.

Waxaa kaloo afhyeenku sheegay in dowladda federalku qoraal u dirtay dowladdaha Puntland ka caawiya waxbarashada, iyagoo ka codsaday in la joojiyo in waxbarashada Puntland la taageero.

Puntland waxay dhaqamada nuucaas ah ku tilmaamtay kuwo muujinaya in la jabiyay heshiisyadii horey u wada galeen labada dhinac ayna masuuliyadooda qaadidoonto dowladda federalka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiraan Online
[email protected]