4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 26, 2019
Askari la sheegay in uu Nin dhalinyaro ah u dilay lacag Shan Kun oo Shilin Soomaali ah magaalada Jowhar

 

Khamiis, December, 26, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Askari ka tirsan ciidamada Hirshabeelle u  dilay Shan Kun oo Shilin Soomaali ah mid ka mid ah ganacsatada Kalluunka.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dilkan oo ka dhacay gudaha Suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar Askari uu weydiistay marxuumka lacag sharci darro ah oo cadadkeeda lagu sheegay Shan Kun oo Shili Soomaali ah, hasse ahaatee muran soo kala -dhaxgalay kaddib uu toogasho ku dilay.

Wiilkan toogashada lagu dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Yaasiin Maxamuud  Maxaad oo 33 jir ah , waxaana xiligan magaalada ka soconaya dibadbaxyo ay dhigayaan dad ka carreysay dilka lagula kacay marxuumka.

Ninka toogashada lagu dilay ayaa la sheegay in sidoo kale sanadkii hore Wiil ay walaallo ahaayeen  uu xaafadda Horseed ku dilay Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda waxaana wiilkaa la dilay lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Maxamuud Maxaad.

Wixii warar ah ee ka soo kordha dibadbaxa socda waan idin soo gudbin doonnaa...

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]