4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2019
Taliska ciiddanka asluubta Soomaaliya oo shaqadii ka joojiyay taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar
 

Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Taliska ciiddanka asluubta Soomaaliya ayaa shaqadii ka joojiyay taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar, Sarreeye Guuto Maxamed Shiikh Xirsiile, kadib markii lagu eedeeyay inuu maxbuus xanuunsan Kala baxay isbitaalka kadibna uu ku geeriyooday xabsiga.

Shir jaraa'id oo uu talisku qabtay ayuu ku sheegay inay aad uga xun yihiin dhacdadaas foosha xumayd ee uu ku geeriyooday Xasan Kutun Calasow.

Taliska ciiddanka asluubta wuxuu magacaabay guddi baaris ah oo ka kooban 3xubnood, kuwaas oo baaritaan ku sameynaya sababtii ay ku timid geerida marxuumka iyo cidda masuuliyaddaas iska lahayd.

Marka ay baarista dhamaato wuxuu talisku sheegay inay ummadda Soomaaliyeed usoo bandhigidoonaan natiijadeeda, waxayna shacabka ka codsadeen inaan la buunbuunin.

Warbaahinta baraha bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaalka dhacdadaan, iyadoo la arkayay bukaanka oo laga saarayo isbitaalka dibna loogu celinayo xabsiga kahor inta uusan dhiman.


Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]