4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2019
Ciidamada Amaanka DhuusaMareeb oo xiray Nin xalay walaalkiis ku dilay gudaha degmada

 

Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Ciidamada Amaanka degmada Dhuusa-Mareeb ayaa gacanta ku dhigay Nin xalay walaalkii ku dilay gudaha degmada.

Ninkan la qabtay oo lagu magacaabo Faa'id Salaad Caraale  ayaa xalay ku dilay gudaha degmada Nin ay Walaalo ahaayeen oo lagu magacaabo Raage Salaad Caraale isaga oo dilka kaddibna isku dayay in uu baxsado, hasse ahaateen howlgal ay sameeyeen ciidamada ayeey u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan.

Gaashaanle Cabdullaahi Xassan Macalin taliyaha ciidanka Booliiska Dhuusa-Mareebn ayaa sheegay in uu xiran  yahay Ninka dilka gaystay baaritaan ka dibna ay ka bixin doonaan  Faahfaahin.

Sidoo kale taliyaha waxaa uu sheegay in hadda uu socanayo baaritaan  kaas oo la xariira waxyaabaha keenay in Faa’id uu dilo Walaalkiis.

Dadka degmada ayaa siweyn uga naxay dhacadadan oo inta badan ah mid dhif iyo naadir ah marka la eego deegaannada Soomaalidu degto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]