4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2019
Ciiddanka nabad sugida Puntland oo fashiliyay Qarax dhulka lagu aasay


Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Ciiddamada ammaanka Puntland ee magaalada Bosaso, ayaa ku guulaystay inay fashiliyaan Qarax dhulka lagu qariyay oo la doonayay in lagu bartilmaameesado masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidanka.

Ciiddanka PSF-ta Puntland oo fashilyay Qaraxan ayaa sheegay inay ka guulaysteen in ay ka hortagaan qaraxyo iyo miinooyin ay kooxaha Alshabab iyo Daacish geliyeen gudaha magaalada Bosaso.

Sawirro lagusoo daabacay barta baraha bulshada ee ciiddanka PSF, ayaa la arkayay sarkaal miino baaris ah oo wadada bartameeda kasoo saaraya Miinadaan oo tankeedu aad u weynaa.

Qaraxan la fashiliyay ayaa kusoo beegmaya kadib markii shalay kooxda Alshabaab ay sheegteen inay agagaarka dekeda Bosaso ka geysteen qarax ay ku dhaawacmeen labo askari.


Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]