4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2019
Beesha caalamka oo ka digtay khatarta ka imaan karta haddii xal nabadeed laga gaarin arrimaha Jubaland
 

Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Warsaxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Jubaland aanay weli sal dhiganin laakiin Jubaland iyo dadkeeduba ay dowrkooda ka cayaari doonaan hawsha lagu xaqiijinayo yoolalka Soomaaliya ee 202ka.

Beesha caalamka waxay caddeysay Haddii aan xal nabadeed laga gaarin xaaladda Jubaland ay khatar gelinayso xaqiijinta arrimaha mihiimka ah ee hortabinta u leh qaranka.

Warsaxafadeedka beesha caalamka marnaba laguma xusin magaca madaxweynaha Jubbaland, laakiin waxay isticmaaleen inay la kulmeen dadka ay quseyso xaaladda Jubbaland, iyagoo kala hadlay suurtagalnimada wadahadal xaqiiqada ku qotoma, isu-tanaasul, iyo danta qaran oo laga hormariyo wax kasta.

"Haddii aan xal nabadeed laga gaarin, xaaladda Jubaland waxay khatar gelinaysaa xaqiijinta arrimaha mihiimka ah ee hortabinta u leh qaranka. Waxaan u mahad celinaynaa wakiilladii aan la kulannay ee nala wadaagay fikradohooda," ayaa lagu yidhi warkaan.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]