3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2019
Mareykanka oo ku dhawaaqay in Soomaaliya uu ka cafiyay Lacagihii deyta ee uu ku lahaa

 

Arbaco, December,  18, 2019 (HOL)- Ugu danbeyntii  Aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka  ayaa isku raacay xalay saqdii dhexe in Soomaaliya laga dhaafay lagana cafiyay lacagihii deymaha ee uu Mareykanku ku lahaa

"Waxaa Soomaaliya lagu lahaadeymo aad u fara badan, taas oo dib u dhac ku keentay dhaqaalaha, malaayin qofna ay baahi ku noolaadaan. Arrintan waxaa ay saameysay kumanaanka qof ee Soomaalida Mareykanka ee ku nool degmada la iga soo doorto, qoysasna ku leh gobolka", ayeey ku sheegtay Ilhaan Cumar ka tirsan Kongreska Mareykanka War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskeeda.

Ilhaan ayaa sheegtay in tallaabadan uu Mareykanku qaaday ee deyn cafinta ay tahay mid hormar iyo barwaaqo u horseedi doonta Soomaaliya, ayna rajeyneyso in laga wada shaqeeyo Soomaaliya nabdoon oo dimuqraadi ah.

Lama oga tirada iyo cadadka lacagta deynta ee Mareykanku ka cafiyay Soomaaliya balse dhinaca kale tallaabadan ayaa u muuqata guul u soo hooyatay Dowladda Soomaaliya.

Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in dalal kale oo badanna ay cafiyana lacagihii deymaha ee ay ku lahaayeen Soomaaliya.

lacagaha deynta ee Soomaaliya lagu leeyahay ayaa ah kuwa ay ka tagtay Dowladda Dhexe ee Siyaad Barre, waxaana la sheegaa in sanad ba sanadka ka dambeeya ay sii kordheysa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
12/18/2019 7:25 AM EST
Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Taliska ciiddanka asluubta Soomaaliya ayaa shaqadii ka joojiyay taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar, Sarreeye Guuto Maxamed Shiikh Xirsiile, kadib markii lagu eedeeyay inuu maxbuus xanuunsan Kala baxay isbitaalka kadibna uu ku geeriyooday xabsiga.

12/18/2019 6:54 AM EST
Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Garowe kulan kula qaatay wefti ka socda Beesha Caalamka oo uu hogaaminayo Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan.

12/18/2019 5:15 AM EST
Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Ciidamada Amaanka degmada Dhuusa-Mareeb ayaa gacanta ku dhigay Nin xalay walaalkii ku dilay gudaha degmada.

12/18/2019 4:48 AM EST
Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland.

12/18/2019 4:08 AM EST
Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Ciiddamada ammaanka Puntland ee magaalada Bosaso, ayaa ku guulaystay inay fashiliyaan Qarax dhulka lagu qariyay oo la doonayay in lagu bartilmaameesado masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidanka.

12/18/2019 3:56 AM EST
Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Warsaxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee Jubaland aanay weli sal dhiganin laakiin Jubaland iyo dadkeeduba ay dowrkooda ka cayaari doonaan hawsha lagu xaqiijinayo yoolalka Soomaaliya ee 202ka.

12/18/2019 3:30 AM EST
Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)-Wafdi ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaaliya ambassador Jamed Swan, oo Garowe soo gaaray ayaa kulan albaabadu u xiran laleh madaxweynaha Puntland iyo golihiisa wasiiradda.

12/18/2019 12:43 AM EST
Arbaco, December, 18, 2019 (HOL)- Aqalka Congress ka dalka Mareykanka ayaa maanta oo Arbaca ah dood ka yeelanaya islamarkaana cod u qaadi doona xil ka xayuubinta madaxweyne Donald Trump iyo in kale.