3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2019
Golaha degaanka degmada Laascaanood oo ka horyimid biyo gelin la sheegay in magaalada laga fulin doono

 

Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Inta badan golaha degaanka degmada Laascaanood ayaa ka soo horjeestey mashruuc biyo gelin oo ay sheegeen in la siiyey shirkad degaanka laga leeyahay.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay dhamaantood ugu baaqay Somaliland in ay dib u eegaan mashruuca biyogelinta magaalada oo ay ku tilmaameen inuu bulshada lafdhabar u yahay.
 
"Dawladii Riyaale biyo gelin ayay balan qaaday, Tii Siilaanyo iyana doorashada waxay ku gashay in ay biyo gelin samaynayso, halka Muuse Biixina uu sidaas si la mid ah u balan qaaday, hadana la sheegay in ceelka Goojacade oo aan xooluhu cabi karin in la yodhaahdo waa laga soo jiidayaa taana maaha midaan yeeli karo" sidaa waxaa yidhi Maxamed Aflahaar.
 
Xildhibaanada ayaa waxay si weyn u dhaliileen Shirkada Nugaal oo dhowaan qalabka biyaha sifeeya ka qotomisey bariga magaalada Laascaanood.
 
C/rashiid Maxamed Cawil maariyaha wakaalada Biyaha Laascaanood oo aan arintan wax ka weydiiyey ayaa waxa uu taageeray golaha degaanka isagoo shirkada Nugaal ku tilmaamay mid aan u danaynayn bulshada Laascaanood, waxase uu meesha ka saaray in aanu ogayn meel mashruucaa lagu bixiyey.
 
Si kastaba ha ahaatee biyo gelinta magaalada Laascaanood oo sanado badan malaayiin doolar lagu bixiyey ayaan marna aanay suuragal noqon in la helo biyo gelin waarta marka laga soo bilaabo badhtamihii sagaashamaadkii oo hayadda OXFORM ay biyo gelin aan la mahadin ay samaysay kadib markii ay biyaha ka soo qaadeen ceelka haatan la diidan yahay kaas oo sanado yar ka dib qasabadihii dhagax ku milan  biyaha caqabad ku noqday qulqulkii biyaha.
 
Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood G. Sool
 
 













Click here
12/17/2019 11:27 AM EST
Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliska qeybta 21-aad Xoogga dalka oo asbuucyadii la soo dhaafay howlo nabadeed u joogay degaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq ayaa maantay kulan guud isugu keenay beelihii walaalaha ahaa ee ku dagaalamay degaanadaasi.

12/17/2019 11:23 AM EST
Talaado, December,17 2019 (HOL)–Wasiiraaradda Wasaaradda shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland ayaa xaquuqdeedii usoo dhicisay hooyo Ayaan Cabdiramxaan oo meherad aan magaceeda la shaacin shaqaddii ka eriday.

12/17/2019 8:26 AM EST
Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan Xubno ka socday Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

12/17/2019 7:32 AM EST
Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Diyaar garowga Soomaaliya ee doorashada qorsheysan ee qof iyo cod ah 2020/2021, ayaa looga hadlay kulan xog-wadaag ah oo ay maanta si wadajir ah u shir-guddoominayeen Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xafiiska hawlgalka kaalmaynta qaramada midoobay ee soomaaliya.

12/17/2019 7:13 AM EST
Talaado, December 17, 2019 (HOL )– Saddexda xisbi qaran ee Somaliland ayaa maanta aqballay go’aankii ergadii dhexdhexaadinta soo saartay, taas oo ahaa in guddidi hore ee doorashooyinka dib loo soo celiyo, halka guddidan cusubna la kala diro.

12/17/2019 6:38 AM EST
Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

12/17/2019 5:29 AM EST
Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Maxkamad gaar ah oo ku taalla dalka Pakistan ayaa madaxweynihii hore ee militariga ahaa ee dalkaas Pervez Musharraf, ku heshy dambi qiyaameyn qaran ah oo weyn, waxayna ku xukuntay dil.

12/17/2019 4:16 AM EST
Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciiddanka xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Mudug, ayaa sheegay in maanta la kala qaadayo maleyshiyo beeleedyadii ku dagaalamay inta u dhexaysa Towfiiq iyo Afbarwaaqo.

12/17/2019 1:45 AM EST
Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa gaaray degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, halkaasi oo uu ka socda dadaalo laguso afjarayo colaad dhextaala labo beelood oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

12/17/2019 12:08 AM EST
Talaado, December, 17, 2019 (HOL)- War ka soo baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

12/17/2019 12:03 AM EST
Talaado, December, 17, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saakay xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen barkootarool oo ku taala degmada.