4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 17, 2019
Saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo aqballay soo jeedintii ergadii loo saaray soo afjarida khilaafka doorashooyinka

 

Talaado, December 17,  2019  (HOL )– Saddexda xisbi qaran ee Somaliland ayaa maanta aqballay go’aankii ergadii dhexdhexaadinta soo saartay, taas oo ahaa in guddidi  hore ee doorashooyinka dib loo soo celiyo, halka guddidan cusubna la kala diro.

Labadda xisbi mucaarad WADDANI iyo UCID oo shir degdeg ah ku yeeshay xafiiska xisbiga UCID ayaa si wada jir ah usoo saaray aqbalaadda ergadii dhexdhexaadinta waday go’aankeedii.

Gudoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ku hadlayey afka labada xisbi mucaarad ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Soomaalidu waxay ku maahmaahda ergo lama diro ama go’aankeeda lama diido, go’aanka ergada ha qaadhaadhaado ama malab ha ahaado waxay caadadu tahay in la aqbalo go’aanka ergada eee aad kalsoonida siisay, marka waxaan u sheegaya shacabka Somaliland iyo dadka daneeya Somaliland iyo taageerayaasha labada xisbiba in labada xisbi si wada jir ah u aqbaleen go’amadii ay soo saareen ergadaas dhexdhexaadintu ninkii gardiidka ahaa maantana ha ku darsado ergo diid.”

 

Dhinaca kale, xisbiga KULMIYE ayaa isna aqballay go’aankii ay soo jeediyeen guddidii is xilqaantay ee xalinaysay khilaafyada xisbiyada.

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga ahna wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin ayaa soo dhoweeyey go’aankii ergadda dhexdhexaadka ahayd, waxaanu yidhi “Guddida dhexdhexaadintu ixtiraam baanu siinaynaa waxay soo saaraan go’aan ka kooban shan qodob, laba qodob waxay khuseeyaan komishankii hore iyo komishanka dambe, xisbiga KULMIYE wuxuu si buuxda u taageeraya qaraarkaasi ay soo saareen, waxaanu taageerayaa tilmaamta ay raaciyeen dariiqa sharciyada dalka”.

Ergadan dhexdhexaadka ahayd ee isku soo dhoweynaysay xisbiyadda ayaa ka koobnayd ganacsato iyo culimo, kuwaas oo ku guulaysay in la aqballo soojeedintoodii.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.