4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2019
Dowladda Federalka Soomaaliya oo maanta kala qaadaysa maleyshiyaadkii ku dagaalamay Towfiiq iyo Afbarwaaqo

Talaado, December, 17, 2019 (HOL)-Saraakiisha ciiddanka xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Mudug, ayaa sheegay in maanta la kala qaadayo maleyshiyo beeleedyadii ku dagaalamay inta u dhexaysa Towfiiq iyo Afbarwaaqo.

Kala qaadida maleyshiyaadka dagaalamay ayaa ahaa qodobkii labaad ee heshiiskii lagu gaaray degmada Towfiiq, kaasoo lagu dhameynayo colaada dhextaala labada beelood ee walaalaha ah.

Labada melayshiyo ayaa la filayaa in mid waliba lagu celiyo deegaankiisa, waxaana arrintaan kaalin ka qaadanaya waxgarad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Saraakiisha ciiddanka ayaa si taxadar ku dheehan yahay ku wajidoona tilaabadaan, iyadoo weli deegaanadaas laga dareemayo colaadii dhimashada badan keentay, inkastoo saraakiishu ku guulaysteen inay gacmaha isku saaran odayaal kala matalayay labada beelood ee colaadu dhextaalo.

Wafdi ka socda Puntland oo iyagana ku sugan Towfiiq lama oga inay qorshahaan qeyb ka yihiin, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Puntland eedeynayay saraakiisha ciiddanka milatariga ee halkaas ku sugan.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]