Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday deegaanka Dajumma ee gobolka Jubbada Dhexe
Talaado, December, 17, 2019 (HOL)- War ka soo
baxay Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano AFRICOM
ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey
degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.
Warkan ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in
Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo
ku beegneyd 16/12/2019 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Dajumma
oo qiyaastii 6Km u jirta magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe,isla
markaana ay la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana
duqeyntaas aysan khasaaro kasoo gaarin dad rayid ah.
Mareykankaa ayaa sheegay in ay duqeyntan ku
dileen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,sidoo kalena ay ku
taageerayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ururka
Al-Shabaab, sida uu sheegay ku-xigeenka Madaxa howlgallada Ciidamada
Mareykanka ee Africa Gen. Bradford J. Gering.
Warkan ka soo baxay AFRICOM ayaa sidoo kale lagu
sheegay in bilihii u dambeeyey Mareykanka uu horumar ka gaarey dagaalka ka
dhanka ah Al-Shabaab,isla markaan ay awoodi waayeen inay weeraro fuliyaan.
Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey
weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la
beegsanayo xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha
deegaannada Puntland.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]