3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2019
Mukhtar Sheekh Maxamed Suubane oo horey uga tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar oo gacanta lagu soo dhigay
                

Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane oo horey u ahaa madaxa sirdoonka maamulkii hore ee Cabdi Maxamuud Cumar ayaa lagu qabtay Somaliland.

Haddaba ninkan lasoo qabtay ee lagu magacaabo Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane ayaa loo haystaa xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda aadamaha taas oo ka dhacday degaanka xilligii Cabdi Maxamuud Cumar uu degaanka ka talin jiray.

Mukhtaar Sh Maxamed Suubane ayaa horey uga tirsanaa Saraakiisha u saraysa ee Ururka ONLF, balse markii uu kasoo goostay Ururka ONLF ayay dawladdii xilligaas degaanka ka talin jirtay ee Cabdi Maxamuud Cumar waxay ka dhigtay madaxa sirdoonka ee degaanka.

        

Hiiraan Online












Click here
12/16/2019 9:15 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo kasoo dhoofay dalka Qatar, ayaa soo gaaray magaalada Geneva ee dalka Switzerland, oo uu uga qayb gelayo madasha qaxootiga adduunka oo maanta furantay.

12/16/2019 8:12 AM EST
Isniin, December 16, 2019 (HOL )– Guddidii dhexdhexaadinta ka waday xukuumadda iyo labada xisbi mucaaradka ayaa soo jeediyey laba go’aan oo ay xal u arkaan in lagu dhameeyo muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

12/16/2019 7:37 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa bilaabay inay baxshaan hannaanka iyo habraaca diiwaan galinta ururada siyaasada Puntland.

12/16/2019 5:01 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Wasiirka arrimaha dibedda ee Qatar, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay inay qaadan doonto waqti in dib loo dhiso kalsoonida ka dhaxeysay Qatar iyo dalalka Khaliijka ka dib cunaqabateyn socotay labo sano iyo badh.

12/16/2019 4:45 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay ay ku fashilantay isku wadidda siyaasadda dalka.

12/16/2019 4:29 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Waxaa Maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Magaalada Jabuuti lagu qabto madasha aragti wadaagga Soomaalida.

12/16/2019 2:37 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-xmed Cali Abuukar oo lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha Ururka Al-shabaab gaar ahaan in uu qaabilsanaa kooxda in uu kaga kireeyo guryo magaalada Muqdisho kuwooda xanuunsan iyo in uu uga wakiil ahaa xarumaha caafimaad ee magaalada Muqdisho oo uu ku lahaa wakaalad iyo kor joogtayn inta ay dib ugu noqonayaa maleeshyada.

12/16/2019 12:11 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Cali Shariif Axmed oo ka hadlay xaflad soo dhaweyn ah oo magaaladda Minneapolis ay ugu sameeyeen Soomaaliya gobolka Minnesota ayaa sheegay in rajo baaxad weyn leh oo ku saabsan dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya ay u muuqato.

12/16/2019 12:01 AM EST
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay xildhibaannada Golaha Shacabka su’aalo u badnaa howlaha Wasaarraddiisa weydiiyeen Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hortagay xildhibaannada.