4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2019
Guddidii dhexdhexaadinta xukuumada iyo xisbiga mucaaradka oo go’aan soo saartay

 

Isniin, December 16,  2019  (HOL )– Guddidii dhexdhexaadinta ka waday xukuumadda iyo labada xisbi mucaaradka  ayaa soo jeediyey laba go’aan oo ay xal u arkaan in lagu dhameeyo muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Gudidan dhexdhexaadka ayaa soo jeediyey in guddidan cusub ee doorashooyinka la kala diro iyo in gudidii hore ee doorashooyinka dib loo soo celiyo.

Guddidan oo iskugu jirta ganacsatada dalka iyo culimo udiin ayaa hadalkoodii sidan u qornaa:

“Guddidii dhexdhexaadinta xukuumadda iyo labadda xisbi mucaarad waxay hawsha bilowday bishii November 21-keedii waxayna soo gabogabaysay bishi December 16-keedii oo maanta ah, waxaana kulamo illa afar jeer ah la kulanay labadda dhinac, waxaana soo jeedinay qodobadan:

1. In guddidii cusbaa ee Komishanka in la kala diro iyagoo khilaaf la kowsaday.

2. in la soo celiyo gudidii hore ee doorashooyinka anaga oo ku sababaynay khibrada iyo tobabar ay leeyihiin labadana la waafajiyo shuruucda dalka ku yaalla.

 

3. Somaliland waxay ku dhisan tahay Fulin, sharci dajin iyo garsoor, xisbiyada mucaaradku waa inay ixtiraamaan oo qadariyaan oo ku kalsoonaadaan madaxweynaha, golaha Guurtida, golaha Wakiilada iyo maxkamada sare wax deel qaaf ahna aan loola iman. Xisbiyada mucaaradka ah waxaanu kula talinaynaa inay ka waantoobaan oo ay joojiyaan ficil iyo hadal kasta oo nabadgalayda iyo xasiloonida dalka wax yeelaya

Labadan qodob ayaa labadda dhinac ku adag tahay inay aqbalan, xukuumadda way ku adag tahay in guddidan cusub la kala diro, halka xisbiga WADANI ku adag tahay in la soo celiyo komishankii hore.

Inkastoo Xisbiga UCID isagu gudidii hore ee doorashooyinka aanu dhib ku arkeen oo uu shahaadooyin siiyey shaqadi culusaa ee ay qaranka u qabteen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.