4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2019
Guddiga doorashada Puntland oo bilaabay bixinta habraaca diiwaan galinta ururada siyaasada



Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa bilaabay inay baxshaan hannaanka iyo habraaca diiwaan galinta ururada siyaasada Puntland.

Xubin katirsan guddiga doorashada oo lasoo xidhiidhay Hiiraan Online ayaa u sheegay in guddigu uusan weli bixin wax diiwaan galin ah, laakiin ay mid kamid ah ururada siyaasada siiyeen foomka isdiiwaan galinta oo ay ku lifaaqan tahay hannaanka iyo habraaca.

Furashada ururada siyaasada waa bilowga nidaamka xisbiyada badan ee ay Puntland ku taamayso, inkastoo tobandkii sano ee ugu dambeeyay labo jeer lagu fashilmay nidaamkaan.

Madaxweyne Deni ayaa haatan lagu ammaanay inuu baraamijkaan waqti hore daaha ka rogay, iyadoo madaxdii ka horeysay ay ka gaabiyeen xilligii loogu talo galay, taasoo horseeday fashil iyo niyad jab.

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashada Puntland waxay qorshaysteen in sanadka soo socda ay Puntland ka dhacaaan doorashooyinkii ugu horeeyay ee lagu galayo nidaamka xisbiyada badan.

Hadaba, sidaas loo gaaro, ayaa laga maarmaan ah in ay sameysmaan xisbiyo ku tartamaya doorashooyinka ugu horeeya ee golayaasha deegaanka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa shaaciyay inuu furandoono xisbigiisa, isagoo horey u sheegay in uusan cabsi ka qabin nidaamka axsaabta badan, xitaa haddii uu ku weynayo xukunkiisa.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]