Danjire Cali Shariif Axmed “Tobanka sano ee soo socota waa xilligii Soomaalida, rajo iyo horumar weyn ayaana muuqda”
Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka Cali Shariif Axmed oo ka hadlay
xaflad soo dhaweyn ah oo magaaladda Minneapolis ay ugu sameeyeen
Soomaaliya gobolka Minnesota ayaa sheegay in rajo baaxad weyn leh oo ku
saabsan dowladnimada iyo horumarka Soomaaliya ay
u muuqato.
“Dowladnimadeenu meel fog ayay ka timid. Tartiib-tartiib ayuu horumarku u
socdaa. 15-kii sano ee ugu dambeeyay is badallo badan ayaa dhacay” ayuu
yiiri Ambassador Cali Shariif Axmed oo intaas ku jiray “10-ka sano ee
soo socota waa xilligii Soomaaliya, dhib
kasta oo jirana waxaa ka weyn rajada muuqata”
Wuxuu Danjire Cali Shariif Axmed sheegay inay jiraan caqabado dhowr ah
oo ku gadaaman horumarka iyo kobocad dhacaaqaalaha, kuwaas oo uu sheegay
inay ka mid yihiin deynta, Alshabaab, iyo cuna qabateynta hubka ee
saaran Soomaaliya.
“Dal deyn lagu leeyahay waa ka xiranyahay maalgashi caalami ah, deyn
qaadasho iyo amaan intaba, sidaa daraadeed cafinta deynta nalagu
leeyahay waxay culeys weyn ka qaadi doontaa dalkeenna, waxaana
rajeynayaa in horraanta sanadka soo socda deyntaas naloo cafiyo”
ayuu yiri ambassador Cali Shariif.
Sidoo kale wuxuu safiirku ka hadlay cuna qabateynta hubka ee dalkeena
saaran, wuxuuna xusay inaan Soomaaliya loo oggoleyn inay soo iibsato
qalab iyo saanad military. “Dowladnimadayada waxyaaba hortaagan waxaa ka
mid ah cadowga Alshabaab, sidaa daraadeed haddii
aan dalka laga qaadin cuna qabateynta waa adkaaneysaa in ciidankeenu
helo qalab iyo saanad ku fulan, waxaanse dadaal ugu jirnaa inaan
adduunka ka dhaadhicino in xayiraada nalaga qaado” ayuu yiri.
Safiirka ayaa ugu dambeyntii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota kula
dar-daarmay midnimo iyo wada jira, wuxuuna u sheegay safaaradda
Soomaaliya ee Mareykanku diyaar ula tahay wixii adeeg iyo wada shaqeyn
ah
Farah M Ali Blue, Hiiraan Online
Minneapolis MN