4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2019
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo sii wada la xisaabtanka Golaha Wasiirradda

 

Isniin, December, 16, 2019 (HOL)-Maalintii shalay ayeey aheyd markii ay xildhibaannada Golaha Shacabka su’aalo u badnaa howlaha Wasaarraddiisa weydiiyeen Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo hortagay xildhibaannada.

Sidoo kale maanta ayaa lagu wadaa in Golaha uu hor yimaado Wasiirka Wasaarradda Gaadhaandhiga Xassan Cali Maxamed oo lagu wado in xildhibaannadu su’aalo ka weydiiyaan howlgallada socda iyo dhismaha ciidamada, iyadoo la ogyahay in sanadkan oo kaliya la dalacsiiyay saraakiil dhowr ah oo ka tirsan militariga Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayeey xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa ay wadaan la xisaabtanka Wasiirada, waxaana horay u hortegay,Wasiirada Amniga,Gaadiidka & Duulista Hawada, Wasiirka Warfaafinta iyo waliba qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada gaar ahaan taliska Booliiska.

Su’aalaha maalintii shalay ay xildhibaannadu weydiiyeen Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa sababta loogu ogolaaday Xassan Daahir Aweys oo maxbuus ah in uu warbaahinta la hadlo, halka Mukhtaar Rooboow oo sidiisa oo kale xiran aan loo ogoleyn in uu wax talleefoon ah adeegsado.

Wasiirka ayaa sheegay in in uusan shaqsiyan howshiisu ahayn in taleefan la siiyo qof dowlada u xiran isagana wareysi uu bixiyay uu ku sheegay in Xasan Daahir Aweys uu adeegsaday taleefan gaar ah.

Xassan Daahir Aweys oo muddo dheer u xiran dowladda Soomaaliya ayaa inta badan fariimaha uu soo duubo la wadaaga baraha ay bulshadu ku xiriiraan, isaga oo hadba fariintiisa uga hadla marxalada markaa taaggan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]