4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2019
Koox hubaysan oo weerar ku qaaday saldhig ciiddan oo kuyaala waqooyiga Gaalkacyo
 

Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Koox hubaysan ayaa caawo fiidkii weerar ku qaaday saldhig ciiddan oo kuyaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyagoo u adeegsaday bombo gacmeedyo iyo rasaas toos ah.

Weerarkaan oo socday daqiiqado kooban, ayaa lagusoo waramayaa inay ku dhaawacmeen askar katirsan ciidanka bilayska Puntland iyo dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka saldhiga.

Dableyda weerarka geystay ayaa goobta isaga baxsaday.

Ma jirto cid weli sheegatay masuuliyada falkaan, laamaha amniga ayaa xiray waddooyinka saldhiga, waxaa sidoo kale aad loo adkeeyay ammaanka xarumaha ciiddamada ee waqooyiga Gaalkaycyo.

Alshabab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada Gaalkacyo ka geysanayay dilal qorshaysan oo lagu beegsanayay masuuliyiinta Puntland.

Wixii faahfaahin ah oo soo kordha kala socda Hiiraan Online.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]