4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2019
Xisbiga UCID oo dhaliilay waxqabad la’aanta xukuumadda Somaliland

 

Axad, December 15, 2019 (HOL )– Xoghayihii hore ee warfaafinta xisbiga UCID  Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa ku dhaliilay xukuumadda inay waxqabadkeedii sanadka ku darsatay inay la kulantay gudoomiyeyaasha warbaahinta madaxa banaan, halka sanadkii hore ku darsatay inay la kulantay xisbiyada mucaaradka ah.

Sidoo kale, waxa uu dhaliilay wax qabad la’aanta wasaarada caafimaadka oo uu sheegay inay dalka ku soo bateen cuduro faro badan, taasina ay sabab u tahay ilaalin la’aanta cuntooyinka iyo dawooyinka tayada leh.

“Xukuumaddu waxay waxqabadkeygi ku soo dartay inay la kulantay gudoomiyeyaasha telefishanada madax banaan, sanakdii hore waxay ku dartay waxqabadkeeda inay la kulantay xisbiyada mucaaradka ah., arrinkaasi wuxu keenay in falcelin badan laga soo celiyey, taasina waxay sababtay in xafladihii lacagta badan lagu qaban jirey iska daayaan oo muuqaal la daawado ka dhigaan waxqabadkeedii”ayuu yidhi Yuusuf kayse.

“Waxay sheegeen inay la kulmen beesha caalamka, waxaan madaxweynaha u sheegaya kulankaasi aad wax qabadka ka dhigateen bal wax ka aqbal oo waxay ku yidhaahdaana qaado beesha Caalamka ilayn waadigaa kulankoodii wax qabad ka dhigtaye”ayuu raaciyey hadalkiisii.

“Sanadkan waxa inagu soo kordhay cudur kuduudiye la yidhaahdo oo gobolka Togdheer ka dhacay, xanuunkaasi dad baa ku dhintay qaar badana halis bay u galeen, markii aanu Burco tagtay ee aanu ka hadalnay waxa noo jawaabay agaasimaha caafimaadka oo sheegay in aanu cudurkaasi dadka dilin isagoo aan tagin Burco”ayuu yidhi Kayse oo dhaliilayey wasaarada caafimaadka.

Xoghayihii hore waxa uu sheegay inay Somaliland noqotay hoygii qashinka oo aan la baadhin tayada dawooyinka iyo cuntooyinka taasina ay sabab u tahay cuduro badan oo dadka ku dhaca.

Xisbiga ucid ayaa ka jawaabayey barnaamijka ay xukuumadda madaxweyne BIixi ka diyaarisay muuqaal ay kaga waramayso waxqabadkii sanadkan dhamaanaya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.