4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 15, 2019
Guddiga Difaaca Aqalka Sare iyo Taliyayaasha Ciidamada oo kulmay

 

Axad, December, 15, 2019 (HOL)-Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Taliyayayaasha Ciidamada Qalabka ee dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay Hinse-sharciyeedka Howlgabnimada ,Xaqsiinta iyo Hibooyinka ciidamada qalabka sida ayada oo uu kulanka furay gudoomiyaha Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan waxana uu akhriyay Hindise-sharciyeedka isagoo intaa raaciyay in ay muhiin tahay fikirka ciidamada qalabka oo sharcigan lagu dhaqi doono .

Senatar Axmad Xaashi Maxamuud Xoghayaha Gudiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare BFS iyo Senatar Cabdirisaaq Axmed Cali oo Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare katirsan ayaa qodobada qaar sharaxaad ka bixiyay.

General  Jaamac Maxamed Qaalib oo horay dalka uga soo qabtay xilal kala duwan oo  ay ka mid tahay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Sareeye  Guuto Maxamuud Sheekh Cali Dable Bayloot oo ah khabiir dhinaca ciidamada  ayaa ka hadlay Hindise-sharciyeedka iyo qaabka ugu haboon ee ciidamada  qalabka sida sharcigaan loogu samayn lahaa .

Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahad celiyay Guddiga Difaaca Iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka sida ay kulanka wada tashiga ah ay ula yeesheen ciidamada iyagoo isku raacay in wakhti la siiyo si ay ugu soo eegan oo ay talo ugu soo biiriyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]