3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2019
Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya oo 1-0 ku garaacay dhiggooda Burundi

 

Jimco,December, 13, 2019 (HOL)-Xulka Qaranka ee Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa 1-0 ah ku garaacay dhiggooda dalka Burundi, kaddib markii ay maanta oo Jimco ah isku arkeen ciyaar qeyb ka ahayd tartanka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA.

Labada Kooxeed ee Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Burundi ayaa ku wada jira (Group A) waxaana ay galabta yeesheen is aragoodii ugu horreeyay, waxaana Goolka Guusha u dhaliyay xulka Soomaaliya cayaaryahanka lagu magacaabo Cumar Maxamed oo daqiiqadii 40aad shabaqa ku hubsaday Goolka Taariikhiga ah.

Labada cayaartooy ee Labada Kooxood ayaa soo bandhigay cayaar xiiso leh oo ay siweyn u jecleysteen daawadayaashii ku sugnaa gudaha Garoonka.

Group A, waxaa ku jira Soomaaliya, Eritrea, Jabuuti, Uganda iyo  Burundi. Soomaaliya ayaa saddexdii kulan ee hore labo ka mid ah laga  badiyay, markii ay ka hor tagtay Uganda iyo Eritrea, halka midna ay  barbarro la gashay xulka waddanka Jabuuti.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]


 
 
 













Click here
12/13/2019 3:37 PM EST
Jimco, December, 13, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta dalka ka dhoofay ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

12/13/2019 7:44 AM EST
Jimco, December, 13, 2019 (HOL)-Shirka midowga warbaahinta wadamada carabta ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan.

12/13/2019 7:12 AM EST
Jimco, December, 13, 2019 (HOL)-Burcad-badeedda Soomaalida ayaa sii daayay markab weyn oo saliid siday iyo 8 shaqaale ah oo u dhashay Sri Lanka, kuwaas oo maalmo kahor ay qabsadeen.

12/13/2019 6:30 AM EST
Jimco, December, 13, 2019 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo sanadkii sedaxaad uu uga qayb gelayo madasha Dooxa.

12/13/2019 5:47 AM EST
Jimco, December, 13, 2019 (HOL)-Boris Johnson ayaa dib ugu laaban doona xafiiska Downing Street isaga oo si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday shalay.

12/13/2019 12:02 AM EST
Jimco, December, 13, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan xalay toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Dowlad gobolleedka Puntland.