Jimco, December, 13, 2019 (HOL)-Boris Johnson ayaa dib ugu laaban doona xafiiska Downing Street isaga oo si aqlabiyad ah ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday shalay.
Xisbiga Mr Johnson ayaa xitaa guulo ka soo hoyiyay goobo ay caadiyan markii hore ku guuleysan jireen xisbiga shaqaalaha.
Iyada
oo ay hartay in lagu dhawaaqo natiijada dhowr kursi ayaa waxa ay BBC
saadaalinayso in xisbiga muxafidka uu helaya qlabiyad dhan 78.
Rai'sul
wasaaraha ayaa sheegay in guushan ay siinayso fursad "uu ku hirgaliyo
ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub " islamarkana uu UK ka saaro
Yurub.
Jeremy Corbyn ayaa dhankiisa sheegay in ay u tahay "habeen
aad uu u niyad jabay "islamarkana uusan u tartami doonin mustaqbalka
doorashooyiinka soo socda.
Xisbiga muxaafidka ayaa heli doona 364
xildhibaan, halka xisbiga shaqaalaha ay ku guuleysteen kuraas dhan
203,SNP 55, Liberal democrats 13, Plaid Cymru afar iyo Greens oo hal
kursi ah.
Arrintan ayaa waxay micnaheedu tahay in xisbiga
muxaafidka ay aqlabiyadii ugu balaarnayd ku yeelan doonaan baarlamaanka
tan iyo 1987 oo Margaret Thatcher ay aqlabiyad la mi ah heshay.
Xisbiga shaqaalaha ee uu hogaamiyo Jeremy Corbyn ayaa lumiyay deegaan
barlaameednyada kala ah North, Midlands iyo Wales, kuwaas oo sanadkii
2016-ka taageeray qorshaha ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.
Sidoo
kale deegaan barlamaaneedyada kala ah Darlington, Sedgefield iyo
Workington oo markii hore uu ku xooganaa xisbiga shaqaalaha ayaa haatan
waxaa uu ka baxay ganactooda, waxaana laga soo doortay xildhibaano ka
tirsan xisbiga muxaafidka ee talada haya.
Dhanka kale xisbiga
Scottish National Party ayaa isaguna u muuqda in xoogahaa guul uu
gaaray, waxaana dhowr deegaan barlamaaneed uu kaga guuleystay xisbiyada
ugu tunka weyn dalka Britain ee Labour iyo Conservatives.
BBC