4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2019
Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland oo xalay Boosaaso lagu dilay

 

Jimco, December, 13, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan xalay toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Dowlad gobolleedka Puntland.

Warkan oo ay baahisay Idaacada VOA ayeey Goobjoogayaal u sheeegeen in kooxdii dilka u geysatay sarkaalka markiiba baxsadeen iyadoo ciidamadu ku guuldareysteen in ay qabtaan.

Laamaha Amaanka dowlad gobolleedka Puntlanad ayaan wali wax war ah ka soo saarin dilkan ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Boosaaso.

Weerarkan lagu dilay sarkaalka ayaa imanaya xili dhawaan sidan oo kale kooxo hubeysan weerar ku qaadeen isla toddobaadkan bartamaha magaalada gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland iyaga oo dilay Labo Askari oo ka tirsanaa ciidanka la weerarray.

Xaalada Amaanka magaalada Boosaaso ayaa toddobaadyadii ugu danbeeyay u muuqatay mid aan daganeyn iyadoo ay ka dhaceen weerarro is xig xigay oo dhimasho iyo dhaawacba sababay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]