4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2019
Agaasimayaasha Wasaarradaha Dastuurka heer Federaal iyo Dowlad gobolleed oo kulan ugu soo dhamaaday Baydhabo


Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhamaaday kulan u dhexeeyay agasimayaasha guud ee wasaaradaha dastuurka heer federal iyo heer dowlad goboleed kaa oo muddo saddex maalin ah ka socday magaalada baydhabo ee dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin  lahaa xiriirka wada shaqayn ee u dhexeeeya wasaaradaha Dastuurka ee  labada heer, aqoon iswaydaarsi ku saabsan maamulka iyo maaraynta,  qorshaynta, wacyigalinta iyo latashiyada arrimaha dib-u-eegistadastuurka  iyo sidii la iskaga kaashan lahaa dhamaystirka dib-u-eegista dastuurka June 2020 iyo tallaabooyinka muhiimka ee la qaadayo si loo gaaro yoolkaas.

Ka Qeybgalayaasha ayaa sidoo kale soo bandhigay talooyin  dhowr ah oo ku aadan geedi socodka dib-u-eegista dastuurka gaar ahaan  sidii loo wajihi lahaa arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed si  loo helo dastuur dhamaystiran.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka koonfur galbeed Jeylaani Abdullaahi Xaaji oo ku hadlay magaca agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dastuurka dowlad goboleedyada ayaa soo dhoweeyay kulamada nuucaan oo kale ah isagoo xusay in cilmi iyo warbixin dhammaystiran ay imminka ka haayaan heerarka uu marayo geedi socodka dastuurka, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in la sii xoojiyo xiriirka iyo kulamada farsamo ee wasaardaha dastuurka labada heer.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dastuurka XFS mudane  Mohamed Abuukar Zubayr oo kulanka so xiray ayaa sheegay in ay muhiim  tahay in la iswaydaarsado xogaha quseeya maamulka, qordhaynta,  wacyigalinta iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda si dhammaan  agaasimayaasha ay ula socdaan heerarka uu marayo geedi socodka dib-u-eegista dastuurka.

“Door wayn ayaa noo furan ka farsamo ahaan in aan ku yeellanno geedi socodka dib-u-eegista dastuurka, si aan u xaqiijinno in la soo gabagabeeyo dastuurka june 2020” ayuu yiri agaasimaha Guud ee Wasaaradda dastuurka XFS Mohamed Abuukar Zubeyr.

Ugu danbeyntii ayaa lagu balamay in la sii dardargeliyo howlaha  dib-u-eegista dastuurka islamarkaana Wasaaradaha dastuurka ee heer  dowlad goboleed ay ka shaqeeyaan sidii ay aragti uga keeni lahaayeen  qaabka loo wajahayo arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed si  looga gaaro heshiis kama dambeys ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]