4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 12, 2019
Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya oo ka fekeraya inuu iscasilo
 

Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa ka fiirsanaya inuu is casilo haddii uu ku guul daraysto qorshaha Maraykanka ee deyn cafinta Soomaaliya.

Wargeyska caanka ah ee ka faalooda siyaasada arrimaha dibada ee Foreign Policy ayaa qoray in Maraykanku uu u diyaarsanayn cafinta deynta uu ku leeyahay Soomaaliya oo gaaraysa $1Bilyan oo dollar.

Wargeyska ayaa sheegay in haddii Maraykanku cafin waayo deymaha uu ku leeyahay Soomaaliya, ay taasi ka dhigan tahay in dalalka kale ee deymaha ku leh Soomaaliya ay qaadandoonaan tilaabo midaas lamid ah.

Safiirka Maraykanku wuxuu ammaanay in Soomaaliya dadaal xoog leh ugu jirto dib u habeynta dhaqaalaheeda, taasoo ka caawinaya dariiqa loo marayo barnaamijka cafinta deymaha.

Donald Yamamoto, ayaa isku dayaya in Baarlamaanka Mareykanka loo gudbiyo qaraarka ogolaanaya in deynta laga cafiyo Soomaaliya, haddiise ay dhici weyso waxaa u qorsheysan in uu xafiiska banneeyo sida uu sheegay Foreign Policy.

Haddii uu fashilmo qorshaha deyn cafinta Soomaaliya waxay taasi dhabar jab weyn ku tahay Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre oo Mareykanka kala shaqeynayay barnaamijkan.

Maraykanka ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya, isagoo ku dhawaad nus bilyan doolar sanadkiiba ku bixiya gargaarka iyo horumarka.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]