4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 12, 2019
Mareykanka oo soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray khilaafkii dhismaha Galmudug

 

Khamiis, December, 12, 2019 (HOL)-Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Amb. Donald Y. Yamamoto ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu Sunna Waljameeca.

War saxaafadeed uu soo saaray Donald Yamamoto ayuu ku sheegay in dowladda Mareykanka ka go’an tahay inay taageerto dadaaladan, isla markaana ay hubiso hirgelintooda si Soomaaliya loo gaarsiiyo nabad iyo xasillooni.

“Mareykanka wuxuu bogaadinayaa gorgortamayaasha howsha adag qabtay si loo gaaro heshiis loo wada dhan yahay kaas oo sugaya xasilloonida iyo barwaaqada dowlad-goboleedka Galmudug oo saf muhiim ah ooga jirto dadaalkeenna isku jirka ah ee lagula dagaallamayo al-Shabaab”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

“Waxaan aqoonsan nahay dadaallada  dib-u-heshiisiinta ee ka jiro dalka oo dhan iyo sidoo kale  tanaasulka  adag ee ay sameeyeen labada dhinac ee ku saabsan qaabka doorashada iyo  qaybsiga wakiilnimada baarlamaanka, waxaanna dhiirigelineynaa hirgelinta  heshiiska”

Donald Yamamoto ayaa sheegay in Galmudug uu yahay gobol  muhiim u ah horumarka mustaqbalka Soomaaliya, Safaaradda Mareykanka  waxaa ka go’an fududeynta gargaarka bini’aadminimo, kaalmada amniga, iyo  horumarka dhaqaale ee dadka reer Galmudug.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]