4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2019
Qaramada Midoobay oo shaacisay khasaarihii ka dhashay duufaantii Pawan ee ku dhufatay Puntland
 

Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in ugu yaraan lix qof ay ku dhinteen, xoolo iyo dhismayaal badana ay ku baaba'een duufaantii Pawan ee ku dhufatay degaanada Puntland.

Xafiiska Isuduwidda Arrimaha Bani'aadamnimada Qaramada Midoobay ee OCHA ayaa sheegay in duufaanta Pawan oo wadatay roob culus ay sababtay in daad xoog leh ay kusoo rogmadaan qaybo ka mid ah gobollada Bari iyo Nugaal ee Puntland.

OCHA oo xiganaysay masuuliyiinta Puntland waxay sheegtay in qoysas lagu qiyaasay 5,400 qoys oo u dhiganta 32,400 oo qof ay xoolahoodii ku waayeen duufaanta, sidoo kale waxaa ku baracay 800 qoys oo u dhiganta 4,800 oo qof.

Waxay sheegtay in duufaantu si gaar ah u saameysay degmooyinka kala ah, Eyl, Bandarbayla, Caluula iyo Laasqoray, iyadoo burburisay beerihii, guryihi iyo wadooyinkii kuyiilay degmooyinkaas.

Sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobay, dadka ay dhibaatadu saameysey waxay u baahan yihiin gargaar cunno, biyo nadiif ah, hoy iyo alaabo aan cunno ahayn, sida marokaneecada, dharka carruurta iyo qalabka nadaafadda.

Abdiweli Mohamed Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]