4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 11, 2019
Madaxweyne Waare oo Jowhar kula kulmay wafdi uu horkacayo Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya

 

Arbaco, December, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa maanta magaalada Jowhar kulan kula qaatay Wafdi uu hogaaminayay Ergayga xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaiya Amb James Swan,

Waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa ku-xigeenka  Wakiilka  Midowga Africa ee Somaliya wakiilka Urur Gobioleedka IGAD Safiirada UK  Italy iyo France,iyaga oo uga wada hadlay arrimo hdorw ah oo ku saabsan  xaalada Soomaaliya.

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay Arimaha doorashooyinka heer  Federaal iyo heer Dowlad Goboleed sidoo kale waxaa looga hadlay  xaaladaha Amni ee deegaannada Hirshabeelle.

Qoraal maanta ka soo baxay madaxtooyada Hirshabeelle ayaa lagu cadeeyay mowqifka maamulka ee la xiriira doorashada sanadka 2020/21 ee doorashada Soomaaliya. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]